Uncategorized

Faransiiska: Shaqaalaha tareennada ayaa shaqada diiday

iftineducation.com – Shaqaalaha tareenada ee dalka Faransiiska ayaa shaqada joojinaya iyada oo ururada ay ku midaysan yihiin ay sii wadaan mudaaharaadka ay uga soo hor jeedaan isbadalada la qorshaynayo in lagu sameeyo shaqaalaha.


Arrintan ayaa la filayaa in ay ku sii kordhiso culays gaadiidka oo horayba ula sii daalaa dhacayay shidaal yari.


Madaxwaynaha dalka Faransiiska Francois Hollande ayaa sheegay in uusan ka laabanaynin isbadaladaas, taas oo ujeedada laga leeyahay ay tahay sidii loo sahli lahaa hanaanka shaqo qoridda iyo shaqo ka eryidda.


Shaqaaalaha dawladda ee dalka ay dariska yihiin ee Belgium ayaa iyaguna shaqada joojinaya manta oo talaado ah iyaga oo ka cabanayo miisaaniyadda la dhimay.


Shaqo joojinta qaran ayaa lagu wadaa in lagun arko booliis, macalimiin iyo qaar ka mid ah shaqaalaha dawladda oo ka qaybqaadanaya si ay ugu biiraan darawalada tareenada, waardiyeyaasha jeelasha oo horayba iyagu shaqo joojin ugu jiray.


Marka laga soot ago miisaaniyadda la dhimay, ururada shaqaaluhu waxay ka mudaaharaadayaan saacadaha shaqada ee isbadalka lagu sameeyay iyo wakhtiga hawl gabka oo sare loo qaaday.



Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *