Uncategorized

Erdogan: Muslimiintu “ha diidaan” kala fogaynta dhalmada

iftineducation.com – Madaxwaynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Muslimiinta ugu baaqay in ay diidaan dawooyinka uurka kala fogeeya ayna dhalaan caruur badan.


Hadalkaasi wuxuu ka jeediyay khudbad toos looga sii daayay tiifiiga Turkiga.


Erdogan wuxuu sheegay in qoys Muslim ah uusan qorshaha ku darsanin isticmaalka dawada caruurta kala fogaysa ayna labo jibaaraan tarankooda.


Qolyaha arrimaha haweenka Turkiga u dooda ayaa horay ugu dhaliilay madaxwaynuhu in uu xadidaada taranka la simay khayaano qaran iyo in uu meesha ka saaray sinaanta jinsiga.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *