Uncategorized

Ciyaaryahan la afduubtay oo la soo badbaadiyay

iftineducation.com – Alan Pulido oo ah ciyaar yahan caalami ah oo lagu afduubtay waqooyiga bari ee dalka Mexico ayaa la soo badbaadiyay Axaddii sida ay saraakiishu sheegeen.


Pulido oo 25 jir ah ayaa laga qabsaday magaalada Ciudad Victoria oo ka tirsan gobolka Tamaulipas kaddib markii uu ka soo baxay goob xaflad lagu qabtay.

Saraakiishu waxay sheegeen in ay soo heleen isaga oo caafimaad qaba.

Sawirada ay saxaafadda Mexico soo bandhigtay ayaase muujinaya asaga oo gacan ka duuban.

Ciyaaryahankaas weeraryahanka ah wuxuu u dheelaa kooxda Olympiacos ee dalka Giriigga, marar kala duwan ayuuna u saftay xulka qaranka ee Mexico.

Warbaahinta guduhu waxay ku warantay in Pulido in uu xaflada ka sii baxayay isaga iyo saaxiibaddii kahor inta aan gaadhigooda lagu horgaynin gawaadhi kale.

Lix ruux oo wajiyada soo duubtay ayaa ayaa xoog kula tagay iyagoo aan waxba yeelin saaxiibaddii.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *