Uncategorized

Ciidamada Kumaandooska oo howlgal ka fuliyay deegaanka Bariire ee G/Sh/hoose..

iftineducation.com – Wararka ka imaanaya deegaanka Bariire oo ka tirsan Gobolka Shabellaha hoose, ayaa sheegaya in halkaasi ciidamada Kumaandooska Somaliya ay ka fuliyeen howlgal qorsheysan.
Howlgalkaan oo dhacay saaka aroortii ayaa wararka waxa ay sheegayaan meel ku dhaw deegaanka Bariire inay ku degtaan ciidamada Kumaandooska oo Diyaarad ka degtay, kadibna ay weerareen Shabaabka Magaalada ku sugan.
Wararka waxa ay sheegayaan in Shabab Khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh uu ka soo gaaray howlgalkaasi ciidamada ay ka sameeyeen deegaanka Bariire.
Guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga Sh.hoose Cali Nuur ayaa sheegay inuu jiro howlgalka ciidamada Kumaandooska ay ka fuliyeen Gobolka.
Wuxuu dhaliilay ciidamada inta ay weerareen deegaan Shabaabka ay joogaan, hadana ay dib uga soo laabtaan.
Al Shabaab ayaa sheegtay in deegaankaasi ay kula dagaalameen ciidamao Mareykan ah iyo kuwa Amisom oo ka difaaceen deegaanka waa sida ay hadalka u dhigeen.
Ciidamada Kumaandooska Somaliya ayaa muddooyinkii dambe waxa ay xoojiyeen howlgalada ka dhanka ah Ururka Al Shabaab.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *