Uncategorized

Britain oo Soomaliya ciidamo geysay

iftineducation.com – Koox hordhac ah oo ka tirsan ciidamo British ah ayaa la sheagayaa in la geeyey dalka soomaliya.
Ciidankan ayaa taageeri doona howgalka AMISOM ee Qaramada Midoobay ay taageerayso.
10 askeri ayaa gaartay Muqdisho, waxaana xigi doono, 70 kale sida ay dowlada Britain sheegtay.
Waxay AMSIOM ka caawin doonaan dhinaca caafimaadka, iyo taagero dhinca loojistikada ee loo baahan yahay
Xoghayaha gaashaandhiga ee Britain Micheal fallon ayaa sheegaya in ciidamadab Britain ka socda ay ka caawin doonaan howgalka soomaliya.
Waxay sidoo kale gacan ka gaysan doonaan deganaanta dalka Soomaliya iyo dagaalka lagula jiro xagjiriinta
Soomaliya waxaa ka howgalo ciidamo Afrika ka socda oo nabad ilaaliyayaal ah balse weli ma dagano Soomaliya
Alshabaab ayaa ah qatarta ugu weyn ee Soomaliya haatan ka taagan, waxayna wadaan dagaalo iyo qaraxyo joogto ah


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *