Uncategorized

Australia oo sheegtay in qaxootiga lagu dhiira-geliyo inay is haligaan, si magangelyo kaga hellaan Australia.

iftineducation.com – Dowladda Australia, ayaa waxay maanta ka hadashay gabadhii Somaliyeed ee shalay isku gubtay xerada ku taala Jazeerada Pacific-ga, maantana la gaarsiiyay Magaalada Brisbane ee dalkaasi Australia.
Peter Dutton, Wasiirka Laanta Socdaalka Australia oo Saxaafadda kula hadlay Magaalada Canberra, ayaa sheegay in Hodan Axmed Barre ay dareentay in hal wado oo keliya ay u furan tahay, wadadaasoo ah inay nolosha isku gubto.
“Halkani waxaan ku haynaa gabar 21 jir ah, taasoo dareentay wadada keliya ee u furan inay tahay in nolosha ay isku gubto.” Ayuu yiri Wasiirka oo sheegay inuu ka xun yahay dhibaatada ay is gelisay Hodan.
Wuxuu si adag uu u weeraray hay’adaha xuquuqul insaanka iyo qaybo ka mid ah dadka reer Australia, oo uu ku eedeeyay inay iyagu dhiira-gelinayaan qaxootiga, si dib u dejin loogu sameeyo Australia.
Isagoo hadalkiisa sii wata, ayuu tilmamay inay qaxootiga ku rajo geliyaan inay nafsadahoodu haligaan, iyagoo u sheegaaya inay magangelyo ka heli doonaan Australia.
“Way siin karaan taageero dadka qaxootiga ah, waana masuuliyad, balse inay siiyaan talo ceynkaasi ah, hadana halisteeda ayay leedahay.” Ayuu yiri Wasiirku.
Ugu dambeen wuxuu si adag uu u sheegay inaysan Australia is bedel ku samayn doonin siyaasadeeda ku aadan muhaajiriinta sifaha aan sharciga ahayn ku imaanaysa dalkaasi.
“Ma bedeli doono siyaasadeena ku aadan dadka sharci darrada ku soo gelaaya Australia, waxaana mudan in la cambaareeyo kuwa rajada gelinaaya qaxootiga.” Ayuu yiri Peter Dutton.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *