Uncategorized

42 milyan oo qof oo ku nool Koonfurta iyo Bariga Afrika oo qarka u saaran macluul..

iftineducation.com – Hay’ada Bisha Cas ayaa warbixin ay soo saartay  ku sheegtay in weli 42 milyan oo qof oo ku nool Koonfurta iyo Bariga Afrika ay qarka u saaran yihiin macluul iyo gaajo la xariirta abaarta ay sababtay cimilada isbedaleysa ee El Nino oo sanadkan si weyn u taabatay qaarada Afrika.
Warbixintan ayaa lagu sheegay in abaarta ugu xun ay ku dhufatay dalalka ku yaal Koonfurta iyo Bariga Afrika isla markaana horey ay biyo la’aan uga jirtay Waqooyiga Afrika,
Hay’adda Bisha Cas ayaa ku baaqday in sare loo qaado gargaarka Beesha Caalamka ee ku aadan dadka ku dhibaateysan qaarada si looga hortago macaluusha ka jirta dhulka ay abaaraha saameeyeen oo ay dad iyo xoolaba ku dhinteen.
Qeybo kamid ah Afrika ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay waxaa ka da’ay roobab xoogleh walow la sheegay inay weli jiraan dalal weli ay heyso biyo yaraan.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *