Uncategorized

Urur sheegay inuu caawinayo ciidammada Soomaaliya

iftineducation.com – Ciidammada Soomaaliya ayaa lagu tilmaamaa kuwa aan inta badan helin daryeelka ay u baahan yihiin, gaar ahaan marka ay dhaawacyada la kulmaan amaba ay naafoobaan.


Haddaba qaar ka mid ah qurba-joogta Soomaaliyeed ayaa bilaabay dadaal ay ku doonayaan in ay ku caawiyaan askarta Soomaaliyeed ee dhaawacmay ama naafada ah, iyo weliba qoysaska iyo carruurta ay ka tageen kuwa dhintay.


Qurba-joogtaasi ayaa sameeyay urur ay u bixiyeen Gargaar Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya.


Cabdiqaadir Abtidoon Maxamed waa madaxa ururkaasi, isla markaana waxa uu ka mid yahay aasaasayaashii. Weriyaha BBC Cabdullaahi Sheekh Cabdirisaaq ayuu uga warramay dadaalka ay wadaan.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *