Uncategorized

Shacabka degan deegaanada uu maro Webiga Shabelle oo ku farxay soo laabashada biyaha Webiga (SAWIRRO)..

iftineducation.com – Shacabka ku nool deegaanada uu maro Webiga Shabelle, ayaa waxay ku faraxsan tahay in si rasmi ihi uu u biyo keeno Webiga Shabelle, ka dib muddo laba bilood oo ay la’aayeen.
Intii uu sii guraayay biyaha Webiga Shabelle, ayaa waxay dhalisay cuduro ku yimid carruurta deegaanadaasi, kuwaa oo qaarkood u dhintay cudurada ay ka qaadeen cabista biyahaasi.
Dadku waxay hadda awoodi karaan inay si caadi ah u cabaan biyaha, isuna diyaariyaan inay beerahoodu beertan. Waxayna soo laabashada biyaha Webiga Shabelle ku soo beegmaysaa, iyadoo lagu jiro xilli roobaadkii gu’ga.
Tan iyo markii uu guray biyaha Webiga Shabelle, ayaa waxaa suuqyada qudaarta ee dalka laga dareemaayay sare kac ku yimid qiimihii la kala siisanaayay qudaarta.
Waxaase hadda rajo wanaagsan laga muujinayaa in hoos u dhac uu ku imaan doono qiimaha qudaarta, haddii ay beeraleyda bilaabeen inay beerahoodu fashaan.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *