Uncategorized

Rajadii Arsenal dharbaaxyo ayaa ku dhacday

iftineducation.com – Sabtidan waxaa dhacay toddoba ciyaarood oo ka tirsan horyaalka Ingiriiska. Waxaana guulaystay kooxaha: Bournemouth, Crystal Palace, Southampton, Swansea iyo Manchester City.
Natiijooyinka Sabtidan waa kuwan:
West Ham 3 – 3 Arsenal
Aston Villa 1 – 2 Bournemouth
Crystal palace 1 – 0 Norwich
Southampton 3 – 1 Newcastle
Swansea 1 – 0 Chelsea
Watford 1 – 1 Everton
Manchester City 2 – 1 West Brom
Saddex gool oo Andy Carroll uu u dhaliyay West Ham ayaa dharbaaxo kale ku dhufatay rajadii yarayd ee Arsenal ka lahayd inay horyaalka sanadkan qaaddo.
Guuldarrada ay la kulantay Newcastle waxay haatan qarka u saaran tahay inay sanadkan hoos u dallacdo. Chelsea waa laga badiyay hase ahaatee hoos uma dhacayso sanadkan, afarta kooxood ee ugu sarreeyana mar hore ayay ka quusatay.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *