Uncategorized

Rai’sal wasaaraha Britain oo khaldamay

iftineducation.com – Rai’sal wasaaraha Britain, David Cameron ayaa sheegay in ay ahayd in uu si wanaagsan u maareeyo arrimahiisa maaliyadda.
Wuunna qirtay in todabaadkan uusan u ahayn mid wanaagsan.
Hadalkaas wuxuu jeediyay isaga oo la hadlaya dadka u ol’oleeya xisbiga taladahaya ee Conservative
Cameron wuxuu sheegay in uu gadaal ka soo daabici doono macluumaadka ku saabsan canshuur celintiisa.
Rai’sal wasaaraha ayaa todobaadkan sheegay in uu 2010-kii iibiyay saamiyaddii maaliyadeed ee uu dibadda ku lahaa.
Laakiin hogaamiyaha Labour-ka, Jeremy Corbyn, ayaa sheegay in Ra’sal wasaaruhu uu “marin habaabiyay bulshada, uuna waayay kalsoonidii ay ku qabeen dadka reer Britain.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *