Uncategorized

Qaar ka mid ah dadkii doontu la dagtay oo badbaaday

iftineducation.com – Waxaa soo baxaya warar dheeraad ah oo ku aaddan tahriibayaasha ay doonida kula qalibantay badda mediterranean-ka, kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen Soomaali badan.
Wararka ayaa sheegaya in qaar ka mid ah meydadka muhaajiriinta iyo kuwa badbaadayba la geeyay xeebaha Giriiga.


Tahriibayaasha ayaa waxay ku wajahnaayeen dalka Taliyaaniga ayaga oo ka ambabaxay dalka Masar.
Maxamed Warsame Sandhool oo ku nool magaalada Muqdisho ayaa sheegay in walaalkii uu ka mid ahaa dadka ay la qalibantay doonta, balse uu ka badbaaday.


Wuxuu sheegay in tacsida walaalkii loo fadhiyay marka uu soo hadlay.


Goor dhaweyd ayuu khadka telefoonka ee Muqdisho ugu waramay Suheyba Badqas.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *