Uncategorized

Masar oo Somaliland ka careysiisay iyo Somaliland oo hanjabaad yaab leh bixisay habiqleyso kkkkkk

iftineducation.com – Wasiirka arrimaha dibedda iyo Iskaashiga caalamiga Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa ka hadley siduu u arko qoraalka dalka Masar ku xaqiray madaxbanaanida Somaliland ay sheegato iyo saamaynta uu ku yeelan doono xiriir mustaqbalka dhex mara Somaliland iyo Masar ayaa sheegay in xukuumadda Somaliland jawaabta ku habboon ka bixin doonto qoraalka ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibedda, laakiin ay u mari doonto dariiqa dublamaasiyadda.

“Waanu aragnay nuxurka qoraalka Wasaaradda arrimaha dibedda Masar ka soo saartay booqashii wefti ka socdaal ku yimi Somaliland, xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland jawaabta ku habboon ayey ka bixin doontaa, waxaanan u marin doonnaa dariiqa dublamaasiyadeed,” Ayuu yidhi Dr. Sacad Cali Shire.
Qoraalka Wasaarada Arrimaha Dibedda Masar ka soo baxay ayaa u dhignaa sidan:
“Weftigu wuxuu sidoo kale la kulmay Madaxweynaha Somaliland iyo tiro ka tirsan wasiirrada iyo masuuliyiin kale oo qaabilsan dhinacyo kala duwan, iyo sidoo kale socdaalo aanu ku tagnay dhawr goobood,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka.“Waxaa in la ogaado mudan in dalka Masar uu raadinayo, in uu gacan caawimo ku yeesho, isla markaana uu xoojiyo iskaashiga iyo isku duubnida uu la leeyahay dadka Soomaaliyeed ee gobollada oo dhan, isaga oo ku guda jira xayndaabka mawqifka rasmiga ah ee dalka Masar, oo ay ka mid tahay in uu taageero diblomaasiyadeed siiyo midnimada iyo is-raacsanaanta dhuleed ee Soomaaliya.” sidaas ayaa lagu soo gunaanaday warsaxaafadeedka uu soo saaray weftigii Masar ee dhawaan socdaalka ku yimdi Hargeysa.

SII AKHRI WARARKEENA KALE


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *