Uncategorized

Ma ogtahay in Guska Uu Jabi Karo?

iftineducation.com – Daraasaad fara badan ayaa lagu sameeyay jebitaanka ku yimaada xubinta taranka ee ragga, waxaa la sheegay in waqtiyada xasaasiga ah ee xubinta taranka ee raggu ay diyaarsan tahay ama uu kacsan tahay xubintu in waqtigaas uu u baahan yahay in la dhowro oo aan lala socsoconin meelo kala duwan oo guriga ka mid ah. Sidoo kale waxaa la doonayaa in haweenaydu ay si taxadar leh u isticmaasho xubinta taranka ee ragga sababtoo ah waxaa jira haween iyagu marka ay ka kor marayaan ragga si aad ah iyagu ugu kor boodbooda xubinta taranka taasi oo mararka qaar kalifta in ay is hareer maraan oo guskii oo kacsan uu fooda daro haweenta barideeda halkaan waxaa ku jabaya guska.


Dhaqaatiirta wadanka Mareykanka ayaa sheegay in jebitaanka xubinta taranku ay tahay mid khatarteeda leh waxaana ka dhalan kara waxa loo yaqaan “sexual disorder” oo ah in qofka ninka ahi uu kacsan waayo.

Jebista xubinta taranka raggu waa wax cajaa’ib ah oo dad badan aysan ka warqabin, laakiin waxaa layiri marka ay xubintani kacayso ama dareen gelayo waxaa jirka ka kala yimaada dheecaan ku soo aruura xubinta taranka kani oo ilbiriqsiyo gudahood ku dhisa laf car-dun ah taas oo adkeysa guska awoodna u siisa in uu si toos ah uga adeegto godka ama xubinta taranka ee dumarka (Siilka), hadaba cardunka waxaa uu yahay laf muruq iyo laf caadi ah isugu jirta taas oo laf caadiya ah, waxaa sidoo kale la sheegay haddii inta gusku kacsan yahay uu jabo in uu u baahnaanayo qaliin deg deg ah haddii kale-se uu noqonayo ninku mid aan markii uu u baahdo wax dhaaxaa tari karin.

OGSOONOW AKHRISTOOW IN GUSKU KAA JEBI KARO, ISKA ILAALI IN AAD GACNAHA KA BADISO AMA SIIGEYSIGAAGU WAALI NOQDO, HAWEENKA KACSIGU KA TAN BADIYO WEY KAA JEBIN KARAAN GUSKA IYAGOO AANBA OGEEYN HOWSHA SIDEY U SOCOTO OO MIYIRKU KA TAGO…..HAKU DHEX WAREEGIN GURIGAAGA SI AYSAN KUUGU DHICIN IRID DABEYL SOO XIRTAY IWM.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *