Uncategorized

Kuuriyada Koonfureed: K Waqooyi nukliyeer bay tijaabinaysaa

iftineducation.com – Kuuriyada Koonfureed ayaa dareentay astaamo muujinaya in Kuuriyada Waqooyi ay isu diyaarinayso tijaabinta nukliyeerkii shanaad, sidaasina waxaa sheegtay Madaxwayne Park Geun-hye.

Ma aysan faahfaahinin waxa ay astaamahaasi yihiin, balse waxay amartay in millitarigu diyaar ahaado, sidaasi waxaa tabisay wakaaladda wararka ee Yonhap.
Tani waxay imanaysaa iyada oo ay soo baxayaan warar ay tabinayaan warbaahinta gudaha oo sheegaya in ay sare u kaceen dhaqdhaqaaqyada ka socda goobihii horay loogu tijaabiyay nukliyeeradii hore.
Tijaabo kale oo Kuuriyada waqooyi ay samayso waxay ka dhigantahay in ay ka sii dartay dhago adayga in ay joojiso barnaamijyadeeda Nukliyeerka, iyadooo Qaramada Midoobay ay bishii hore saartay cuno qabataynno hor leh oo ad’adag.
Bishii koobaad ee sanadkan ayay Waqooyigu sameeyeen tijaabadoodii afraad ee Nukliyeer ah, bil kaddibna gantaallo ayay rideen arrintaas oo sababtay dareen ka dhashay gacankaasi.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *