Uncategorized

Jabhadda PKK oo u hanjabtay Turkiga

iftineducation.com – Jabhadda Kurdiyiinta ee PKK ayaa BBC u sheegtay in ay diyaar u yihiin in ay sare u qaadaan weerarada ka dhanka ah dawladda Turkiga, arrintan waxay ku sababeeyeen in Ankara ay isku dayayso in ay is dhiibaan.
Hogaamiyaha Kurdistan Workers’ Party (PKK) Cemil Bayik ayaa sheegay in madaxwayne Recep Tayyip Erdogan uu sare u sii qaadayo dagaalkan.
Cemil ayaase ku adkaystay in aysan rabin in ay ka goostaan Turkiga.
Dowlada Turkiga ayaa ku gacansayrtay hadalkaas goodinta ah ee ka soo yeeray PKK.
Dhanka kanala qof u hadlay madaxwaynaha Turkiga ayaa meesha ka saaray in wax wadahadal ah lala galo kooxdaasi.
Waxuu intaasi raaciyay in dagaalka lagula jiro kooxdan uu sii socon doono.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *