Uncategorized

Haweeney Shan nin oo walaalo ah soo wada guursatay oo kafalooneeso daawo

iftineducation.com – Arintaani oo ah mid ka yaabisay Muslimiinta India ayaa waxaa lagu soo waramaaya in Haweeney u dhalatay Dalkaasi Hindiya ay xaas u tahay Shan Ruux oo Walaalo ah.
Wargeyska Daily Mail ee kaso baxa wadanka Ingiriiska oo wax ka qoray sheekada gabadhaan ayaa sheegay in gabadhu ay ku nooshahay tuulo yar oo  la yiraahdo Dehradun, kuna  taala waqooyiga wadanka Hindiya.
Magaca gabadhaan oo lagu sheegay Rajo Verma waa 21-Sano jir waxaana ay u dhaxday oo hadda wada qaba 5 nin oo dhalinyaro oo waliba walaalo ah.
Wargeysku waxaa uu ku waramayaa in haweeneydaan Hindida ah ay habeen walba mid la seexato inkastoo ay hal guri wada degen yihiin.
Wiil yar oo 18 bilood jira oo ay haweeneydaan dhashay ayay sheegtay inaysan garanayn midka ay u dhashay hase ahaatee waxaa ay intaa ku dartay in shantooda uu Aabe wada yiraahdo.
Rajo oo ah haweeney 5 nin u dhaxday oo Hindiya ku nool waxay u sheegtay wargeyska wax ka qoray ee Daily Mail la yiraahdo in arrintaan ay iyadu hadda ku qancsantahay waxaana ay xustay in bilawgii sheekadaan  xanuuno dareemi jirtay hadase aysan waxba dareemin.
Mar wax laga weydiiyay midka ay u jeceshay 5-ta nin ee qaba ayay sheegtay inaysan kala jecleyn oo ay u siman yihiin.
Ninkii ugu horeeyay ee guursada waxaa la yiraahdaa  Guddu 4 sano.




halkaan ka daawo muqaalka


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *