Uncategorized

Eriterian ku Nool Somalia Kuna Dhashay oo Codsaday in Xubno laga siiyo Dawlada Federalka Somaliya iyo Maamulka cusub ee Hiiran

iftineducation.com – Wararku waxa ay sheegayaa in magaalada Jowhar ay ku noolyihiin inkabadan 60 qoys oo eritrea-n ah kuwaasi oo la sheegay inay ku dhasheen dalka, islamarkaana Dalbaday xuquuqdii ay ku lahaayen Somaliya

Maamulka Jowhar ayaa shirka ka socda magaalada Jowhar sheegay inuu ka qeybgalinaayo dhamaan Beelaha halkaasi dega ee xuquuqda ku leh, taas oo ay maqleen ayaa keentay codsigan
waxaana la rumeysan yahay in eritreanka ay aad ugu badan yihiin Magaaladaasi, iyagoo markiiba codsaday in la siiyo qaybtooda siyaasada maadama oo ay ku dhasheen halkaasi

Eritreanka ku nool Somalia, ayaa sidoo kale la sheegayaa in Somalia ay ka degaan ilaa 4 Degmo sida Xamar-Jajab, Waabari, Xamar-weyne iyo Shangaani.
Qoraal kooban oo lagu soo daabacay Beej-ka Jaaliyadda eritrea ee Somalia ayaa waxaa lagu sheegay in gudaha Somalia ay ku noolyihiin inkabadan 700 oo gabi ahaantooda la sheegay inay ku dhasheen Somalia.

Qoraalka ayaa waxaa sidoo kale lagu xusay in Jaaliyadda eritrea ee Somalia la aasaasay sanadii 1920-ka, iyada oo xarumo aad u weyn ku laheyd Somalia, gaar ahaan Degmada Shangaani, balse markii danbe ku baxday Burburkii Dowlada Dhexe ee Somalia.

Qoraalka ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in Eritreanka ku nool Somalia ay Taariikh ku leeyihiin Somalia, iyaga oo kamid ahaa Xukuumadihii tagay, waxa ayna Dowladii hore ee Somalia kasoo qabteen xilal mid Siyaasadeed iyo Mid ciidan, sidaa aawgeedna ay xuquuq ku leeyihiin Baarlamaanka cusub ee iminka uu yeelan doono Somalia.
Si kastaba ha ahaatee, qoraalkaani iyo kamid noqoshada Baarlamaanakada dalka mid Dowlad ilaa Gobol ayaanla ogeyn waxa ay Dowlada Somalia ka dhihi doonto.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *