Uncategorized

Diyaarad dagaal oo ku dagtay jasiirad lagu muran sanyahay

iftineducation.com – Dawladda Shiinaha ayaa markii u horaysay si waadax ah u qiratay in ay diyaarad millitari ku dajisay badda lagu muransanyahay ee Koonfurta Shiinaha.


Warbaahinta dawladda Shiinaha ayaa tabisay in diyaaraddaasi ay ku dagtay dhulka gacan ku samayska ah ee badda ku yaala iyada oo ka jawaabaysa baaq dagdag ah oo loo soo diray.


Waxay sheegeen in saddex ka mid ah shaqalaha goobtaasi ay aad u xanuunsadeen diyaaraddana lagu soo qaaday si loo soo daweeyo.


Dadka arrimahan ka faalooda waxay sheegayaan in arrintani ay muujinayso in Shiinuhu uu diyaaraddo dagaal gayn karo goobtaasi wakhtiyada ay colaaddu ka jirto gobolka.


Dawladda Maraykanka ayaa xukuumadda Shiinaha ku dhaliishay in ay samaynayaan jasiirado gacan ku samays ama macmal ah, laakiin xukuumaadda Beijing waxay sheegtay in arrintaasi aysan wax halis ah ku ahayn dalalka dariska la ah, kuwaas oo qaarkood ay sheegta in ay iyagu leeyihiin baddaas.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *