Uncategorized

Dadkii Brussels weerararay “markii hore” Paris bay u socdeen

iftineducation.com – Nin looga shakisanyahay in uu yahay mid ka mid ah dadkii qaraxyada ka gaystay magaalada Brussels, ayaa qorshaynayay in uu weeraro horleh ka gaysto Paris ee caasimadda u ah dalka Faransiiska, sida uu sheegay dacwad oogaha dalka Belgium.
Maxamed Abrini ayaa sheegay in kooxdiisu ay taas badalkeeda go’aansadeen in ay Brussels weeraraan kaddib markii la xiray saaxiibkood Salah Abdelsalam.
Wuxuu kale oo qiray in uu ahaa qofkii gaystay weerarkii saddexaad ee garoonka, uuna garoonka ka soo cararay markii uu bamka rakibay.
Weeraradii Bamka iyo rasaasta loo adeegsaday ee magaalada Paris ka dhacay 13 November ayaa dilay 130 ruux.
32 ruux oo kale ayaana ku dhintay weerar ka dhacay garoonka iyo xarunta tareenada laga raaco ee Brussels ka dhacay 22 bishii March.
Labada weerarba waxaa sheegtay kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka ee xaruntoodu tahay Suuriya iyo Ciraaq.
Abrini oo jimcihii lagu xiray magaalada Brussel ayaa baareyaasha u sheegay in xiritaankii Cabdisalam ee 18 March in ay ku dhalisay in ay badalaan qorshahooda.
Abrini oo 31 jir ah waa reer Belgium wuxuuse asal ahaan ka soo jeedaa dalka Marooko.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *