Uncategorized

Daawo Sawirada: Shabaab oo soo bandhigay sida dagaalyahanadooda u fuliyeen weerarkii Ceelcadde.

iftineducation.com – Ururka Al Shabaab ayaa soo bandhigay Sawiro muujinaya qaabka dagaalyahanooda ay u fuliyeen weerarkii Abaabulnaa ee 15-kii Bishii Janaayo ay ka geysteen Degmada Ceelcadde ee Gobolka Gedo.




Weerarkaasi Shabaabka waxa ay ku dileen Askar badan oo Kenya ah, kuwaasi oo ku sugnaa Saldhigii Degmada Ceelcadde ee lagu weeraray.




Sawirada Shabaabka ay soo bandhigeey ayaa waxaa ka muuqdaa ruuxii fuliyay Ismiidaamintii lagu galay Irida Xerada Ceelcadde, ruuxaasi oo Shabaab ay ku sheegen magaciisa Cabdul Qaadir Axmad Cali oo ku magac dheer (Farxaan).




Shabaabka ayaa sidoo kale soo bandhigay Hub fara badan oo ay ku qabsadeen dagaalkaasi ka dhacay Degmada Ceelcadde ee ciidamada Kenya ay ku dileen.




Dowladda Kenya ilaa hada ma aysan cadeynin tirada askarta looga dilay weerarkaasi ka dhacay Degmada Ceelcadde ee Gobolka Gedo 15-kii Bishii Janaayo ee sanadkaan.



Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *