Uncategorized

Daawo Sawirada: Gaadiidkii weerarka loo adeegsan rabay ee lagu fashiliyay Magaalada Muqdisho..

iftineducation.com – Ciidamada Hay’adda Nabad Suggida iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), ayaa waxay maanta si buuxdo u fashiliyeen laba gaari oo la doonaayay in weerar looga gaysto Xarunta Somaliya.
Labadan gaari oo noocyadoodu kala ahaa NOAH iyo Spacio, ayaa midka NOAH laga soo buuxiyay walxaha qarxa, halka midka kalana ay la socdeen laba nin oo ka tirsan Ururka Al Shabaab.
Nabad Suggida waxay sheegtay in raggaasi ay doonayeen inay weerar ka fuliyaan maqaaxi ku taala Isgoyska Zoope ee Galbeedka Magaalada Muqdisho, kolka uu qaraxu dhaco.
Ciidanka Miino Baarista oo ka hawlgalay gaariga qaraxa la soo saaray, ayaa waxaa u suurta-gashay in qayb ka mid ihi ay furaan, halka qaybta kalana ay kula qaraxday laba ka mid ah Ciidankaasi.
C/fataax Cumar Xalane, Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa wuxuu xaqiijiyay in Nabad Suggida ay gacanta ku hayso labadii nin ee watay gaariga labaad ee la fashiliyay.
Sawir qaade ka tirsan Telefishinka Qaranka oo lagu magacaabo Fahad Cabdi Gaas, ayaa sidoo kale ka mid ahaa dadkii ku dhaawacmay qaraxaasi, inkastoo uu dhaawaciisu yahay mid fudud.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *