Uncategorized

Daawo Sawirada: Ciidamadii Barre Hiiraale ee lagu wareejiyay ciidamada Itoobiya..

iftineducation.com – 50 Askari oo ka tirsanaa ciidamadii Barre Hiiraale, oo shalay la geeyay Magaalada Kismaayo ayaa waxaa si rasmi ah loogu wareejiyay ciidamada Itoobiya ee howlgalka Amisom qaybta ka ah.


Ciidamadan ayaa laga soo kaxeeyay deegaanka Sabca Ashraaf oo ka tirsan Goobweyn, waxaana lagu wareejiyay ciidamada Itoobiya.


Markii shalay ciidamadaasi lagu wareejinaayay ciidamada Itoobiya ayaa waxaa ka dhashay buuq, kadib markii ciidamada Kenya iyo kuwa Itoobiya ay isku qabsadeen cida lagu wareejinaayo ciidamadaasi.
50 Askari ayaa deegaanka Sabca Ashraaf waxaa ka soo kaxeeyay ciidamada Amisom, iyadoo ugu dambeyn lagu wareejiyay ciidamada Itoobiya.


Horay ayaa ciidamada Kenya waxaa loogu wareejiyay ciidan ka tirsanaa kuwii Barre Hiiraale, kuwaasi oo lagu xareeyay Jaamacada Magaalada Kismaayo. 


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *