Uncategorized

Booliska oo soo bandhigay labo nin oo si xeeladeysan dadka u dhici jiray..

iftineducation.com – Taliska Booliska Gobolka Banaadir, ayaa maanta Saxaafadda u soo bandhigay Labo nin oo dhalinyaro ah oo si xeeladeysan dadka dhac ugu geysan jiray Magaalada Muqdisho.


Raggaan ayaa laga soo qabtay Degmada Heliwaa, waxaana Saxaafadda loo soo bandhigay Moobeelo badan oo dadka ay ka dhici jireen.
Cali Xersi Barre “Cali Gaab” Taliyaha Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir ayaa sheegay ciidamada Saldhiga Degmada Heliwaa inay ku guuleysteen soo qabashada raggaan.
Wuxuu sheegay in raggaan iyaga oo wata gaari yar Moobeelada ay ka dafi jireen dhalinyarada yar yar iyo dadka Suuqa adeega ka doonta, kadibna ay iibsan jiraan.
Ciidamada Booliska Saldhiga Heliwaa ayuu sheegay muddo inay ku daba jiraan Raggan kadibna ay gacanta ku soo dhigeen.
“Niman Xaragoonaayo oo Si fiican u soo labistay oo baabuur wata oo Qof Somali ah oo adeegaanayo oo Moobeelka uu wataba ka qaadanaayo ama arday masaakiin ah oo Iskuul u socday ama Jaamacad u socday waad garan kartaan dhibaatada ay ku yihiin nimankaan ammaanka Magaalada, sidaan ninkii bartaa inuu ku noolaado aaqirka Qori ayuu qaadanayaa.” Ayuu yiri Taliye Cali Gaab.
Ugu dambeyn Taliyaha ayaa sheegay qalabka raggaasi lagu soo qabtay in la geyn doono maxkamad oo la xukumi doono, iyagana loo gudbin doono Xabsiga Dhexe.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *