Uncategorized

Wararkii ugu danbeeyay weerarka Brussels

iftineducation.com – Halkan kala soco wararkii ugu danbeeyay qaraxyada Brussels

15.38 Kooxda la magac baxday dowladda islaamiga ayaa sheegatay inay ka danbaysay weerarka Brussels ka danbaysaywar ay ku soo saartay wakaalada wararka ee Amaq.

13.50 Duqa magaalada Brussels ayaa sheegay in 20 qof ay dhimatay, 106 kalena ay ku dhaawacmeen qaraxii saldhiga tareenka.
Yvan Mayeur, ayaa shir jaraa’id ku sheegay in 17 qof ay dhaawac culus yihiin.
Warfaafinta Dowladda ee VRT ayaa sheegtay in 34 qof ay ku dhinteen labada weerar ee garoonka iyo saldhiga tareenka.

Image copyrightAP

13.34 Beatrice Delvaux, oo ah tafaftiraha sare ee wargayska Le Soir, ayaa ku qortay hadalo qiiro leh barta internetka ee wargayska.
Waxay qortay: “Qaylada way socotaa. Waxay ka imaanaysaa meel walba, iyadoo jidka maraysa.
“Baabuurta gurmadka, dabdamiska, boliiska, baabuurta aan calaamada wadan ayaa qaylinaya markay marayaan wadada.
“Dadka ayaa istaagaya, fiirinaya iyadoo yaaban: indhahooda ayaa waxba muujinayn.
“Waxay og yihiin in ay run tahay. Waxay kaloo og yihiin inay ogaayeen: inay dhacayso.
“Waa calool xumada guud ahaan waxa aan la qiyaasi karin.”

Filinka oo uu duubay qof jooga garoonka ayaa muujinaya qaraxa markuu dhacay kadib. Tarminaalka ayaa waxaa ka buuxsamay qiiq iyo bus. Dadka ayaa la arkayaa iyagoo ordaya.
12.00 Ra’iisal wasaaraha Belgium Charles Michel ayaa sheegay inay jirto dhimasho iyo dhaawac badan.
Isagoo ka hadlaya shir jaraa’id wuxuu xaqiijiyay weerarka garoonka in qof uu is qarxiyay.
Raiisalwasaaraha Belgium ayaa ugu yeeray weerarka “dagaal gurracan oo indha la’aan ah oo si fuleynimo ah loo fuliyey”.
Wuxuu ugu baaqay dadka reer Belgium inay muujiyaan “dagaanaan iyo taageero”.

11.16 Sawirrada qaraxyada Brussels
11.03 Ugu yaraan 26 qof ayaa ku dhintay weeraro lala beegsaday gagida dayuuradaha ee Brussels iyo saldhig tareen.
Laba qarax ayaa ka dhacay siddeedii subaxnimo gagida dayuuradaha ee Zaventem, hal qarax ayay masuuliyiinta sheegayaan inuu qof is qarxiyay.

Image copyright

Sida uu sheegay wasiirka caafimaadka ee Belgium, in ugu yaraan 11 qof ay dhinteen, 81 kalena ay dhaawacmeen. Waxay u eg tahay qaraxa inuu ka dhacay meel u dhow miiska diyaarada American Airline iyo Belgian Airline ee garoonka, iyadoo dadka ay saf ugu jiraan inay duulaan.
Waqti yar kadib qarax kale ayaa ka dhacay saldhiga tareenka ee Maalbeek, oo aad ugu dhow xarunta Midowga Yurub. Waxaa ku dhintay 15 qof, 55 ayaa ku dhaawacantay. Dowladda Belgium waxay kor u qaaday heerka feejignaanta argagixisada waddanka oo dhan, iyadoo gaarsiisay heerka afraad.
10.40 Madaxweynaha Ruushka ayaa cambaareeyay
Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa cambaareeyay waxa uu ugu yeeray “fal waxashnimo” waxa ka dhacay Brussels, wakaalada wararka Interfax ayaa tabisay, iyadoo soo xiganaysa xoghayihiisa warbaahinta Dmitry Peskov.
“Madaxweynaha ayaa cambaaraynaya falkan waxashnimada, wuxuuna tacsi u dirayaa dadka reer Belgian, wuxuuna u balanqaaday taageero Boqorka Philippe dadka reer Belgium waqtigan adag.”ayuu yiri Mr Peskov.

Image copyrightVRT

Waxyaabaha ugu Muhiimsan.
  • Laba qarax ayaa ka dhacay gagida diyaaradaha ee Brussels- mid ayaa laga shakisan yahay inuu qof is qarxiyay.
  • Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhimatay, 81 ayaa ku dhaawacantay.
  • Qarax ayaa sidoo kale ka dhacay saldhiga tareenka ee Maalbeek oo u dhow dhismayaasha Midowga Yurub. Waxaa ku dhintay 20 qof, 106 ayaa ku dhaawacantay.
  • Guud ahaan dhimashada ayaa ah 30.
  • Sawirrada ayaa muujinaya qassaaaro badan oo soo gaaray garoonka.
  • Qaraxa ayaa yimid maalmo kadib markii la qabtay Salax Abdeslam, oo ahaa qofka ugu muhiimsan ee looga shakisan yahay weerarka Paris ee dhacay November.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *