Uncategorized

Waqooyiga Kuuriya oo riday gantaalo

iftineducation.com – Meleteriga Koonfurta Kuuriya waxaa ay sheegeen in dowlada Waqooyiga Kuuriya ay riday gantaalada ridada gaaban ee balastiga ah
Waxaana gantaalaha lagu tuuray bariga xeebaha bada ee dalkaasi waqooyiga Kuuriya
Gantaalaha ayaa masaafadooda waxay gaaraysaa 500km , Dowladda Japan ayaa dhankeeda cambaareysay talaabadan ay qaaday dowladda Waqooyiga Kuuriya.
Maalinti shalay ahaydna Hogaamiyaha dalkaasi Kuuriyada Waqooyi Kim Jong UN ayaa sheegay in millitariga dalkiisa ay guuleysteen
Waxayna sameyaan bam nukliyeer oo wax laga gelini karo madaaficda la tuurayo.
Laba maalmood ka horna Kuuriyada Woqooyi waxaa ay u hanjabtay Maraykanka iyo Kuuriyada Koonfureed
Waxaa ayna sheegtay inay qaadi doonto weerar lagu hoobto oo hubka Nukliyeer ka ah
waxayna waqooyiga Kuuriya bilaabeen dhoolatus milatari oo aan noociisa hore loo arag.
Hadallada noocan ahi ma aha kuwo cusub, in ay kuuriyada waqooyi sheegato in ay hagaajisato Nukliyeer iyo Gantaalada ridada gaaban
Khubarada arimahan la socdana waxay shaki galiyeen awoodda ay Woqooyiga Kuuriya u leedahay in ay gantaaladeeda ku rakibi karto madaxyo Nukliyeer ah.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *