Uncategorized

Video: Bajaaj wadayaasha Muqdisho iyo cabsida ay ka qabaan gaadiidka AMISOM

iftineducation.com – Magaalada Muqdisho waxaa sanadihii u danbeeyay si xowli ah ugu shaqeynayay gaadiidka loo yaqaan Bajaajka oo dadka dabarta yar ay ku tiirsadeen.


Wadooyinka Muqdisho ayaa waxaa si xowli ah ugu howlgala mootada Bajaajta, waxaana mararka qaar wadayaasha Bajaajta ay la kulmaan dhibaatooyin ugu yimaada gaadiidka tiknikada Cabdi-bilayaasha ee askarta Dowladda iyo gawaarida daboolan ee AMISOM oo jiira mooto Bajaajta.


Darawalada waxay sheegeen in Tiknikada dowladda iyo kuwa AMISOM ay waxyeelo u geystaan marka ay ku socdaan wadooyinka, waxaana jira dawaralo u geeriyooday shil ugu yimid gawaarida AMISOM iyo Tiknikada askarta dowladda.


GUJI HALKAAN KA DAAWO


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *