Uncategorized

Uhurro Kenyatta oo ka badbaaday QARAX lagu khaarijin lahaa

iftineducation.com – Ciidamada Booliska dalka Kenya ayaa fashiliyay Qaraxyo lala damacsanaa in lagu khaarijiyo Madaxweynaha dalkaasi Uhurro Kenyaatta.


Qaraxyada ayaa lagu diyaariyay goob uu booqan lahaa Madaxweynaha dalkaasi, waxaana fashilinta Qaraxyadaasi gacan ka geystay Eeyo Boolis ah oo halkaasi ka sameeyay baaritaan ka hor inta uusan Kenyatta gaarin goobta.

Ciidamada ayaa diyaarinta Qaraxyadaasi u qabtay ilaa laba ruux oo la sheegay in qadar yar ka hor ay ka baxeen goobta uu booqan lahaa Madaxweynaha Kenya.

Madaxweynaha Kenya Uhurru Kenyatta ayaa baajiyay booqashadii uu halkaasi ku gaari lahaa, kadib markii laga shakiyay in hareeraha goobta oo idil lagu aasay Qaraxyo.

Fashilinta Qaraxyadaani ayaa imaaneysa xili laba maalin un ka hor uu Hoggaamiyaha Al-shabaab ee dalka Kenya soo saaray canjal muuqaal ah oo uu ugu goodinayo weerar ka dhan ah Madaxtooyada dalkaasi.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *