Uncategorized

Subxaanallaah: Wasiirka Cadaalada Masar oo sheegay inuu xiri lahaa Nabiga hadii uu sharciga ku xad gudbo

iftineducation.com – Wasiirka Cadaalada Masar Ahmed Al-zind, ayaa xilka laga xayuubiyay, kadib markii uu barnaamij toos uga baxayay mid kamid ah TV-yada Masar, uu sheegay inuu xiri lahaa Nabi Muxamad SCW hadii uu sharciga dalka Masar ku xadgudbo.


War-saxaafadeed rasmi ah oo kasoo baxay Xukuumada Masar, ayaa xilka looga qaaday Ahmed Al-zind.


Hadalka kasoo yeeray Ahmed Al-zind, ayaa carro xoogan ka dhex abuuray bulshada dalka Masar tan iyo isbuucii lasoo dhaafay.


Mar la weydiiyay su’aal la xiriirta xariga wariyaasha lagu tuhmo ineey doonayaan caanimo, ayaa Ahmed Al-zind, waxa uu ku jawaabay sidan:



“…Xitaa hadii uu Nabiga SCW noolaan lahaa kuna xadgudbi lahaa sharciga…”.


Ahmed Al-zind, ayaa intaas kadib aamusay islamarkaasina dambi dhaaf weydiistay Ilaaheey.


“Ilaaheey ayaan dambi dhaaf weydiisanayaa” ayuu yiri, waxa uuna hadalkiisa sii daba dhigay sidan, “qof walboo dambi gala islamarkaasina ay ku cadaato waa la xirayaa”.


Hadalka kasoo yeeray wasiirka cadaalada, ayaa carro xoogan ka dhex abuuray Bulshada Masar, waxayna dalbadeen in lasoo xiro Maxkamadna lasoo taago


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *