Uncategorized

Sirculus:Magacyadda iyo qabiiladda Saraakiisha horkaceyso argagixisadda Daacish ee qabsaday Garacad iyo Kulub ?

iftineducation.com – Baaris Warbaahinta Waagacusub sameeysay ayey ku xaqiijisay iney argagixisadda Daacish hub kala degayeen degaanka Garacad ,waxaana argagixisadda ka degay degaanadaas horkacaya Saraakiil caana oo u dhashay beesha Daarood kuwaas oo kala ah.
1:- Jaamac Cabdi Salaan (Majeerteen, Cumar Maxamuud), waa ninka ugu da’da weyn, waana ninkii u qaabilsanaa Maxaakimtii Islaamka deegaanada Puntland, waxa uuna ka tirsanaan jiray ururkii bur-buray ee Al-Itixaad Al- Islaami ee dagaalada ka galay Puntland sanadkii 1992. 
2:- Cadowyo Qowtalax (Majeerteen, Cumar Maxamuud). 
3:- Saacid Kaaratee (Majeerteen, Ciise Maxamuud).
4:- Xasan Takar (Daarood, Leelkase). Ninkani waa nin qurbaha ka yimid, waxaana jiray wiil uu isagu dhalay oo ka tirsanaa argagixisada Alshabab oo Dowladda Puntland toogatay waqtigii dowladii C/Raxmaan Faroole, ka dib markii uu ka qeyb qaatay dilkii lagu dilay Sheekh C/Qaadir Gacamey. Xasan Takar waxa uu ka tirsanaan jiray ururkii Al-Itixaad Al-Islaami, waxa uuna ka soo baxay Jaamacada Madiina Al-Munwara ee Sucuudiga. Waxa uu ka mid yahay ragga u fatwooda kooxda argagixisada khawaarijta Alshabab.
5:-Fuad Mohamed Khalaf {Ina Shongole} oo horey uga tirsanaan jiray Saraakiisha sare ee Al-Shabaab hadana ku biiray Daacish.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *