Uncategorized

Shabaab Oo Soo Bandhigay Gaadiid Iyo Hub Ay Ku Qabsadeen…

iftineducation.com – Ururka Al Shabaab ayaa soo bandhigay gaadiid nooca dagaalka ah iyo hub ay ku qabsadeen weerarkii habeen hore ay ku qaadeen Xerada Laanta Buuro oo ku taallo Gobolka Shabeellaha hoose.


Weerarkaasi oo ahaa mid qorsheysan ayeey Shabaabka ku gaadeen ciidanka Dowladda xilli saq dhexe ah, waxaana u suuragashay inay kaxeysteen gaadiid dagaal oo badan.


Shabaab ayaa deegaan aanan la shaacin halka uu ku yaal ku soo bandhigay gaadiidkaan iyo hubka ay ka qabsadeen ciidamada Dowladda.


Sawirada Shabaabka ay soo bandhigeen ayaa muujinaayay 8 gaadiid oo todobo ka mid ah ay tahay kuwa dagaalka, halka midka kalena uu yahay gaari yar oo Kaarib ah.


Afhayeenka Ururka Al Shabaab Sheekh Abuu Muscab ayaa ku faanay in gaadiidkaasi ay ka soo furten ciidamada Dowladda.


Wuxuu kaloo sheegay ciidamada Dowladda ee ku sugan aagaga dagaalka inay isku soo dhiibaan Ururka Al Shabaab si ay u helaan Nabadgelyo. 


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *