Uncategorized

Sergio Aguero oo ka tagaya Manchester City

iftineducation.com – Weeraryahanka kooxda Manchester City, Sergio Aguero waxa uu sheegay inuu ka tagayo kooxdiisa marka uu dhammaado qandaraaska hadda uu ku shaqeynaayo.
Ciyaaryahankan u dhashay Argentina, waxa uu kooxda Man City kula joogay heshiis shan sano ah, kaas oo dhammaanaya xilli ciyaareedka 2018-19-ka.
Waxa uu dhaliyay 128 qool intuu kooxa Manchester City u ciyaarayay, wuxuu ka soo wareegay kooxda Atletico Madrid sanadkii 2011kii, xilligaas oo City ay kula soo wareegtay £38m, wuxuuna tan iyo xilligaas kooxdiisa ay ku guuleysatay laba koob.
Aguero oo 27 sano jir ah, waxa uu u sheegay idaacad Argentina laga leeyahay, inuu ku laabanayo kooxdiisii ugu horeysay ee Independiente.
“Halkan (Manchester City) way og yihiin waxa aan doonayo inaan sameeyo, way og yihiin inaan doonayo in aan Argentina ku laabto,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
“Qoyskeyga way ka war hayaan in aan halkaas u socdo marka uu qandaraaskeyga dhammaad sanadka 2018ka.”
Macadda sababta uu Aguero uu u dhahay in heshiiskiisa uu dhammaanayo 2018ka, halka Manchester City ay leedahay, heshiiska wuxuu ku dhammaanayaa 2019-ka.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *