Uncategorized

Saleh Abdesalam naftiisa ayaa doonayay inuu is qarxiyo weerarkii Paris, Laakiin fikirkiisa maxaa badalay?

iftineducation.com – Xeer ilaaliyaha guud ee dalka Faransiiska, ayaa sheegay in Saleh Abdesalam, oo ah maskaxdii ka dambeeysay weeraradii Paris uu isaga qudhiisa doonayay inuu is qarxiyo, balse daqiiqadihii u dambeeyay uu maankiisa badalay.


Saleh Abdesalam, oo ahaa dambiilaha Yurub loogu doon doonista badanyahay, ayaa 2 maalin kahor howlgal aan caadi ahayn oo ka dhacay magaalada Brussels ee dalka Bilgium-ka lagu soo qabtay.


Dowlada Bilgium-ka, ayaa hada qorsheyneysa ineey Saleh u gacan geliso doowlada Faransiiska oo soo dalbatay, waxaana uu haystaa dhalashada dalka Faransiiska.


“Saleh Abdesalam, waxa uu doonayay inuu naftiisa isku qarxiyo Garoonka ciyaaraha ee Stadio De Fransa, balse wuu badalay maankiisa” sidaa waxaa yiri xeer ilaaliyaha guud ee Faransiiska oo wariyaasha kula hadlay Paris.


Xeer ilaaliyaha ayaa intaas kusii daray, in macluumaadkaan aysan ahayn kuwo wali si rasmi ah loo xaqiijin karo, balse goordhow lasoo bandhigi doono.


Saleh Abdesalam, ayaa waxaa loo haystaa inuu yahay maskaxdii ka dambeysay weeraradii Paris ee ay ku dhinteen 130 ruux boqolaal kalena ku dhaawacmeen.



Baarayaasha hada su’aalaha weydiinaya Saleh oo 26 jir ah, ayaa rajeeynaya inuu bixiyo macluumaad ku saabsan shabakada uu katirsanyahay ee fulisay weeraradii Paris iyo cida maal gelisa.


Masuuliyiinta faransiiska ayaa aaminsan in Saleh Abdesalam, uu ku sugnaa Paris habeenkii uu weerarka dhacayay, balse uu ka cararay markii uu soo idlaaday weerarka.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *