Uncategorized

Puntland Oo Guulo Ka Sheegatay Dagaalka Gobolka Nugaal Ay…

iftineducation.com – Wasiirka Warfaafinta Maamulka Puntland, ayaa sheegay saaka ciidamada Puntland inay dagaal la galeen ciidamada hubaysan ee ku sugan deegaano ka tirsan Gobolka Nugaal.


Dagaalka ayaa waxaa qaaday ciidamada Maamulka Puntland oo doonaya inay Shabaab ka saaraan deeganada Nugaal ay ka gaareen ciidankaasi.


Dagaalka wuxuu ka dhacay Deegaanka Togo Suuj, wuxuuna Wasiirka Warfaafinta Puntland sheegay ciidamada hubaysan ee halkaasi ku sugan inay Khasaare ku gaarsiiyeen.


 “Saaka dagaal ayaa wuxuu ka biloowday meesha la dhaho Togo la yiraahdo Suuj oo ku dhaw Magaalada Garmaal ee dhanka Xebta ah, halkaa dagaal baa ka dhacay Runtii ciidamada Puntland iyo Nimankaa Dhalinyarada ah ee Caqliga laga xaday dagaal ayaa dhexmaray, dagaalkaasi weli ma dhamaanin runtii, maadaama qaarkood ay ku dhuumanayaan meelo godad ah, ciidamadana ay baacsanayaan, halkaa Khasaara ayaa ka dhashay oo cadoowga soo gaaray.” Ayuu yiri Wasiir Soocadde.


Deegaanka Suuj oo ah goobta dagaalka uu ka dhacay ayaa ah dhul Buuraley ah oo Dooxooyin leh, waxaana ku yaala Ceel, iyadoo wadooyinkiisu ay yihiin kuwo cariiri ah oo ay adag tahay in la maro. 


Wasiir Soocadde, ayaa ugu baaqay ciidamada hubaysan ee halkaasi ku sugan inay isku soo dhiibaan maamulka Puntland oo dhibaato aanan loo geysan doonin. 


Ilaa hada waxaanan si rasmi ah loo ogaan karin inta uu la eeg yahay Khasaaraha ka dhashay dagaalka ciidanka Puntland iyo kuwa Shabaab ku dhexmaray deegaano ka tirsan Gobolka Nugaal.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *