Uncategorized

Muno ” Saaxiibkey Waa uu Mashquul Badan Yahay Imana Siiyo Waqti Aan Kula Sheekeysto..”Ila Tali

iftineducation.com – Waxa ay Warqad Talo Celin ah Naga Soo Gaartay Gabar Magaceeda Ku Sheegtay Muna, Sida ay inoo Soo Sheegtay Waxa ay ku nooshahay Magaalada Neyroobi ee Dalka Keenya, Waxa ay Tiri Marka Hore Waan idin Salaamay Bahda Shabakadda Qaasatan Waxaan Salaamaya Maxamed Xuseen Yuusuf (Xaaji Tahriib) oo inta Badan Talooyinka Siiya Bulshada Soomaliyeed.
Salaan Kadib Muna Waxay Qoraalkeeda Ku Biloowday Sada Tan:-
Waxa Jaceyl Naga Dhaxeeya Wiil aan Wada Joogno Magaalada Neyroobi, Saaxiibkeey Waa uu Mashquul Badan yahay, Waxa uuna Ku Jiraa Howlo Ganacsi, inta Badan Aniga Waqti aan la Sheekeysto iima Helo.
Marka aan Weydiiyana Waxa uu iigu Jawaabaa, Mashquulka ayaa iska Badan, Waxa uuna i yiraahdo Muno Waad ogtahay Howsha Ganacsi een ku Jiro Baaxadiisa inta ay La Egtahay ee is Daji Camal, Hadaba Arin Halkaas ayuu Marayaahee Sideen Yeelaa Xaaji Tahriibow.


HALKAN HOOSE GUJI DAAWO MUUQAALKA:


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *