Uncategorized

Maxaa keena in kacsigu ku yaraado dumarka Xiliyada uurka lagu guda jiro..??

iftineducation.com – Ma jiraan labo haween ah oo dareema si isku mid ah waqtiga uurka. Haweenka badankoodu, uureysigu ma beddelo xiiseyntooda galmada.
Haweenka qaarkoodna, xakamaynta dhalmadu waxay u ahayd carqalad, isla markaana waxaa laga yaabaa inuu uureysigu u yahay waqti xorriyad. Waqtiyo dhowr ah, haweenka qaarkood ayaa laga yaabaa iney dareemaan iney “luminayaan qaabkooda iyo sida ay u eg yihiin” waqtiga uurka.
Qaar ayaa laga yaabaa iney ka fogaadaan galmada, iyagoo dareemaya rabitaanka oo aad u yar. Kuwa kale ayaa laga yaabaa iney doonayaan galmada iney lammaanahooda uga helaan dib u xaqiijinta inuu weli jecel yahay waxayna u arkaan mid soo jiidasho leh.
Haddii aadan xiiso u haynin galmada, kala hadal lammaanahaaga. Waxaa laga yaabaa iney lammaanahaaga ku adag tahay inuu fahmo haddii aadan kala hadlin.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *