Uncategorized

Maxaa kasoo kordhay dagaalkii xooganaa ee u dhaxeeyay Ciidamada Puntland iyo Al Shabaab

iftineducation.com – Wararkii ugu dambeeyay ee aanu ka helno deegaanada Puntland gaar ahaan aagaga maanta dagaalku ka socdo ayaa sheegaya in awoodii Kooxda Alshabaab maalinba maalinta kasii dambaysa lasii wiiqayo iyadoo maanta la sheegay in si rasmi ah looga saaray toga Suuj ee gobolka Nugaal.


Saraakiil ka tirsan maamulka Puntland ayaa saacadihii ugu danbeeyay shaagay in halkaasi ay ka saareen kooxda Al-Shabaab ee dhawaan doomaha ku yimid deegaankaasi.


Waxaa ay sheegeen in Shalay ilaa maanta galinkii hore ay Ciidanka Difaaca Puntland wadeen hawlgalka Sifaynta kooxaha ka firxaday Togga Suuj, waxaana ay sheegen inay soo dhamaystireen hawshaas.


Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegtay in togga Suuj iyo Nawaaxigeeda xiligaani aysan ku sugneyn Kooxda Alshabaab waxa ayna tilmaameen inay soo afjareen Kooxdii gashay Toggaas.


Sidoo kale, deegaanka Garacad ee gobolka Nugaal ayaa waxaa saaka ka billowday dagaal kale oo u dhaxeeya ciidanka Puntland iyo dagaalyahanno looga shakisan yahay inay yihiin Alshabaab.


Ugu danbeyntii, Alshabaab illaa iyo hadda wax war ah kama aysan soo saarin dagaalka ka socda deegaanadda Puntland.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *