Uncategorized

Maamulka Ahlu Sunna Oo Shaaca Ka Qaaday Inay Gacanta Ku liibaan madaxweyne….

iftineducation.com – Maamulka Gobolada Dhexe (Ahlu Sunna), ayaa shaaca ka qaaday inay gacanta ku soo dhigeen Sarkaalkii Dowladda Somaliya ka soo goystay, isla-markaana bishii September isu soo dhiibay Maamulka Ahlu Sunna.


Mursal Maxamed Yuusuf Xeefow oo ka tirsan Saraakiisha Ahlu Sunna, ayaa shaaca ka qaaday in Liibaan Maxamuud Yuusuf la qabtay, xilli uu ku dhaawacmay dagaalkii maanta.


Mursal Maxamed Yuusuf Xeefow oo la hadlay Warbaahinta, ayaa xusay in Sarkaalkaasi uu ka dhaawacmay lugta midig, waxaana hadda la geeyay oo lagu daaweynayaa buu yiri isbitaalka.


Xeefow wax faah faahin ah kama bixin wixii ay Ahlu Sunna ka yeeli laheyd Liibaan Madaxweyne, haddiiba ay ku tuhmayaan inuu ka dambeeyay dagaalkii xalay illaa maanta ka soconaayay Dhuusamareeb.


Dhanka kale waxaa la xaqiijiyay in 12 ruux ku dhimatay dagaalka, halka tiro kalana ay ku dhaawacantay. 11 ka mid ah dadka dhaawacmay waxaa la geeyay Isbitaalka Istarliin ee Magaalada Guriceel.


Dhaawacyo kaloo badan, ayaa waxaa la seexiyay Isbitaalka Guud Dhuusamareeb. Dadka qaarkood waxay qabaan dhaawacyo culus.


Waxaa galabta degan xaaladda guud Magaalada Dhuusamareeb, inkastoo Magaalada laga dareemaayo saamaynta uu ku reebay dagaalka istaagey duhurnimadii maanta.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *