Uncategorized

Indha Cadde: Shabaab Waxa Ay U Tageen Deeganada Puntland…

iftineducation.com – Wasiiru Dowlihii hore ee Wasaarada Gaashaandhiga Xukuumaddii KMG aheyd Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde, ayaa sheegay saddex arimood in Shabaab ay u tageen deeganada Maamulka Puntland.


Indha Cadde wuxuu tilmaamay qodobka koowaad inuu yahay qalqalgelinta ammaanka deeganada Puntland, xilli Shabaabka lagu dhibaateeyay duqeymo kala duwan oo Mareykanka uu ka geystay Koonfurta Somaliya.

Wuxuu kaloo sheegay in arimaha ay u tageen ay qayb ka tahay in Shabaabka ay soo furtaan Maxaabiis kaga xiran deeganada Puntland.

Qodobka saddexaad ayuu ku sheegay inay tahay gaaritaanka Buuraha Galgala si ay u caawiyaan Shabaabka halkaasi ku sugan ee dagaalka ka wada.

“Maadaama Gobolada Koofureed lagu jabiyay oo Mareykanka uu ku duqeeyay waxay doonayaan qorshe ah inay Puntland tagaan oo buuraha wareegsan ku dhuuntaan, halkaas ay amniga Puntland ku qal qal geliyaan”ayuu yiri Indha Cadde.

Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde ayaa sidoo kale tilmaamay inaysan xilligan habooneyn Dowladda Federalka Somaliya iyo Puntland inay isku eedeeyaan arimaha la xiriira ciidamada halkaasi gaaray ee Shabaab ka tirsan.

“Waxyaabaha qaar in la isku riix riixo ma ahan, waa maqlayay hadalka Wasiirka Amniga Puntland, waxay cadawga u noqoneysaa gacan iyo gar, Shabaab dowladda Soomaaliyeed waa laayeen, dadka Koofureedna waa laayeen, Puntland asxaan uma hayaan, waa in meel looga soo wada jeesto.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *