Uncategorized

Haddii aad talooyinkaan qaadato waxay u badantahay in qoyskaaga uu burbur ka badbaado (u gaar ah Dumarka)

iftineducation.com – Gabaryahey waxaan kuu haynaa Talaabooyin aad kuugu anfacaya in saygaaga aad Indhaha ka qabsatid Oo adiga Oo kaliya uu kuu soo jeesto.


* Xitaa hadaad ka careysan tahay u muuji dhoola cadeyn iyo farxad .


* Codkaada yuusan ka sara marin kiisa oo haka tagin adeegsiga erayada mac macaan


* Tix Gili Ra`yigiisa


* Hadalka haku jarin oo haka dhex gilin gaar ahaan marka aad hor joogtaan ehelkiisa ama ehelkaada.


* Mar waliba ahaaw mid nadaafadda u saaxib ah , oo u muuji muuqaal ka qurxoon kii markii uu ku soo guursanayay .


* Gurigaada marti uga dhig oo sida qof marti u casuun .


* Ha iloobin in aad qaabisho marka uu guriga soo galayo oo sii kala habeey caruurta .


* U abuur jawi u mar waliba ugu baahanayo in uu guriga ku soo deg dego oo jawiga guriga daji oo ka dhig mid aan laheyn sawaxan.


* Marka aad dooneysaan in aad meel u wada baxdaan saacad ka hor ahaaw mid diyaarsan ogoow ragga ma jecla sugitaanka .


* Erayada gacaliye , qaali, macaane ha ahaadan kuwo carabkaada xifdiyay erayadaasna marka telka aad kula hadleyso ha u adeegsan saaxibadaada gabdhaha ah oo ka dhig erayadas kuwa isaga u gaar ah , ha yareysan erayadan saameyn ayay ku reebaan ninka .






* Ha qaban telkiisa hadii uu joogo .


* Ha Faafin sirtiisa oo xitaa qofka aad ku kalsoon tahay ha u sheegin wax isaga ku saabsan .


* Ha dareensiin ninkaada in aad tahay maseereey


* Dadka hortooda ha ku yareersan ra`yigiisa


* Ka Ilaali Beenta ahaaw mid wax waliba run ka sheegta .


* U Mahad Celi hadii xitta hadi wax sidaas u sii yar uu kuu keeno .


* Aqoonsanoow cunooyinka uu aadka u jecel yahay qaadashadeeda


* Dareensii in uu yahay ninkii aad ku riyooneysay oo aadan raali ahaansho dareemeyn la `aantiisa

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *