Uncategorized

Egypt: Wasiirka Cadaalada oo lagu qabsaday Hadal ka dhacay oo ahaa inuu xataa xiri lahaa Nebi Maxamed SCW – Video

iftineducation.com – Wasiirka Cadaalada ee dalka Masar ayaa Ahmed el-Zend oo Jimcihii lasoo dhaafay wareysi siinayey mid kamid ah telefishinada dalkaasi Masar ayaa hadal ka dhacay si weyn fadeexad uga raacday walow uu raali gelin iyo danbi dhaafweydiistay.


Erayga xiisada ka dhalatay ayaa ahaa mar uu Wasiirka ka hadlayey xariga loo geysto shacabka wadankaasi, ayaa Wariyaha wareysiga ka qaadayey weydiiyey xataa inay xiri doonaan Suxufiyiinta ayuu wuxuu ku jawaabay:


“…Xataa Nebiga SCW…” isagoo isla markiiba yiri (Istaaqfurallah Cadiim) balse wuxuu kadib hadalka u bedalay in qof walba uu sharciga u siman yahay oo la xirayo haduu denbi galo.


Al Azhar ayaa maanta oo Axad ah qoraal ay arrintan ka soo saartay ku sheegtay inaan loo dulqaadan karin aflagaado walba oo Nebi Maxamed SCW wax loogu geysanayo xataa hadii ay tahay mid si khalad ah ku dhacday.


Wasiirka ayaa waxaa dhaliiceynta weyn uga soo wajahday dhanka baraha internetka ee lagu sheekaysto sida Twitter oo ay shacabka in badan oo kamid ah ku baaqeen in Wasiirka uu iscasilo isla markaana maxkamad lagu soo taago hadaladiisa qalafsan.


Daawo Wareysigii Wasiir oo ku baxay luuqada Carabiga


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *