Uncategorized

Dumarka Mooska Isku cadeeya Astaamo lagu aqoonsado -Talo Muhiim ah

iftineducation.com – Habka loo isticmaalayo muuska jidhka lagu qurxiyo:


-Waxaad jarjartaa muuska  kadib wajiga saar mudo  20 daqiiqo ku dhow, sidaa ayuu wajigaagu ku nuugayaa saliida iyo fiitamiinka ku jira muuska.


-Xeelad kale: soo qaado moos bisil kadib ku rid baaquli, ku burburi qaado kadib ku dar hal qaado oo malab ah iyo hal qaado oo liin dhanaan ah, isku qas. Wajiga iska maydh dabadeedna shukumaan ku qallaji. Wajiga saar mooski, liintii iyo malabkii aad isku qastay adigoo isticmaalaya faro nadiif ah, hakuu saarnaado mudo 15 daqiiqo ah kadibna biyo qandac ah isaga maydh.  Waxaa uu wajigaaga ka baabi’inayaa dhibcaha madow iyo finanka isagoo ka dhigayaa mid dhalaalaya


-Muuska yaryaree kadib waxaad ku dartaa saliida lawska, kadib isku walaaq, kadibna timahaaga mari oo kudaa 15 daqiqadood. Markaad maydho timahaaga oo aad dhawr jeer sidaas u isticmaashidna waxaad dareemi doontaa is badal wayn, timaaguna waxa ay noqon  doonaan qaar  jilcsan oo dhalaalaya.


-Si ilkahu kuugu cadaadaan, Sooqaado qobka mooska adigoo ku daligaya qeybtisa hoose ilkahaga muddo dhan laba daqiiqo, adigoo isticmaya caday ama burushka ilkaha. Ogsoonow in in macdanta ku jirta ee ay ka midka yihiin: magnesium, calcium, iyo potassium ay qayb libaax ka qadanayaan cadeynta ilkaha. Moosku waa midka mida qayraadka ugu balaran ee kabaxa dalkena.


-Si gacmahaagu u dabcaan  waxaad samaysaa muuska markaad jarjartid ayaad kula walaaqi badhar, kadib gacmaha ayaad marin sidii inaad fara xalanaysid oo kale, daqiiqado kadib markaad iska maydhid, waxaad dareemi doontaa siday gacmahaagu u jilcaan. Intaasi oo Kaliya Maaha Fa’iidada Uu jidhka uu leyahay lakiin waxa Cunistiisa Laga helaa Borotiin La xidhidha dhanka Xubnaha Dareeraha Oo Uu joojiyo.


HOOS KA DAAWO GABADHAN:


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *