Uncategorized

Dowladda Soomaaliya oo xabsiga dhigtay Taliyihii Ciidanka Laanta-buuro ee Gobolka Sh/Hoose.

iftineducation.com – Kadib markii Al-Shabaab ay weerar Xoog leh ku qaaday Ciidamada Milatariga Soomaaliya ee degan Degaanka Laanta Buuro ee Gobolka Shabellaha Hoose, islamarkaana ay ku qabsadeen Gaadiid Dagaal oo gaaraya ilaa lix Gaari ayaa waxaa soo baxaya Warar sheegaya in Dowladda Soomaaliya ay Xirtay Saraakiil ka tirsan Ciidankii Laanta-buuro.


Ururka Koowaad ee Ciidanka Xoogga Dalka Guutada Shanaad iyo Sargaal kale oo saraakiil ah ayaa xabsiga loo taxaabay,iyadoo saraakiishaasi lala xariirinayo inay wax ka Ogaadeen Weerarka lagu Furtay Gaadiidka dagaalka ee Laanta-buuro ka dhacay.


Dhanka kale Afhayeenkii hore ee Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose Maxamed Xuseen Sheene ayaa sheegay in Saraakiishaas Baaritaan lagu wado.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *