Uncategorized

Ciidamo ka tirsan Koofur Galbeed oo Gobolka Baay lagu Qarxiyay

iftineducation.com – Wararka laga helayo Gobolka Baay gaar ahaan inta u dhaxeysa Deynuunaay iyo Maanya-fuulka ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan Maamulka koofur galbeed Qarax lagula Eegtay.


Qaraxa oo ahaa Miinada Dhulka lagu Aaso ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen ilaa 7 Askari oo ka mid ah Ciidamada Daraawiishta Maamulka koofur Galbeed Soomaaliya.


Saraakiil ka tirsan Maamulka koofur Galbeed ayaa sheegay inuu jiro Qaraxa,waxaana ay ku Eedeeyen in ay ka dambeeyaan Al-shabaab.


Ciidamada ku dhaawacmay Qaraxa ka dhacay Inta u dhexeeya Deynuunaay iyo Maanya-fuulka ayaa waxaa la geeyay Isbitaalka Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *