Uncategorized

4 Sababood Oo Dumarka Ku Kalifta Inay Khiyaameeyaan Ragga GOGOL DHAAF na sameeyaan-(ugaar ah raga)

iftineducation.com – Akhirstayaal wax cusub maaha in la maqlo
haweenay baa lamaanaheedii khiyaamaysay,
taas macnaheeduna maaha in haweenku wada
khiyaamo badan yihiin, waxaynanu isku
dayeynaa sababta ku kaliftay in badana
haweenku khiyaamo ula yimadaan
lamaanahooda.


Waxyaabaha ugu badan ee haweenka
khiyaamada ku kalifa ayeynu ka soo qaadan
doonaa afartaan soo socda;
Waxay khiyaamada Gabadhu u gashaa si ay
farxadeeda ugu raadiso:


Dumar badan baa
khiyaamada ku kaca si ay farxadooda u helaan,
ugana kasbadaan waxyaabo ay aad u
xiiseeyaan lamaanahooda, danaha iyo
waxyaabahay jecel yihiin waxay badana
haweeku ku hoggaamiyaan inay khiyaamo la
yimadaan.



Khiyaamada noocan ah maaha mid la xidhiidha
cadiifadooda, balse waa wax ka baxsan oo ku
saabsan farxad gelinta amma siday u heli
lahayd gabadhu wax farxad ku abuura.


Waxay doonaysa waxa gacanta ugu jira wax ka
badan: Arrinta ugu badan ee gabadhu
khiyaamada ula timadaa waa inay hesho waxay
gacanta ku hayso wax ka badan oo ay haysato
gabadh asxaabteeda ah ama ay jaar yihiin.


Hinaase dartii: Gabadh kasta waxay jeceshay in lamaanaheedu ku kalsoonaado, waxaanay ku
kacdaa khiyaamo haddii ay saygeeda amma
ninkay jeceshahay ka dareento inuu meelo kale
halacsanaayo, iyadoo isku dayda khiyaamooyin
badan oo ay ku soo ceshanayso qofkay maanka
ku hayso.


Saygeeda amma qof ay jeceshay oo ay ka
dareento dayacaad iyo dhayalsi: Gabadh kasta
markay dayacaad iyo dhayalsi ka dareento
saygeeda amma qofkay doonayso inay nolosha
la qaybsato waxay ku kacda khiyaamo badan oo
ay ku toosinayso isaga.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *