Uncategorized

XOG:- Halis La Sheegay Inay Kusoo Socoto Soomaaliya

iftineducation.com – War qoraal ah oo kasoo baxay Dowladda Britain, ayaa waxaa loogu baaqay Muwaadiniinta Britain ka jooga Somalia inay isaga soo baxaan dalka Somalia.


Qoraalka oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Britain ayaa waxaa lagu sheegay in sababta ka bixitaanka ay tahay suurtagalnimada in weeraro argagaxiso lagula beegsado goobaha ay ku caweeyaan.


Waxaa lagu sheegay qoraalka in maleeshiyada Al-shabaab ay qorsheynayaan in weeraro xoogan ay ka fuliyaan goobaha ugu nabdoon magaalada Muqdisho oo ay ku nastaan dadka ka yimaada qurbaha.



Wasaaradda Arrimaha Dibadda Britain, waxa ay qoraalkeeda ku xustan in Dowlada ay xuuraamisay saameynta weerarada la filankaro, sidaa darteedna muwaadiniintooda ku sugan Somaliya, lagu wargelinaayo inay isaga soo baxaan, isla-markaana aanay u safrin.


Sidoo kale, nuqul kamid ah qoraalka ayaa waxaa lagu soo qaatay amaan darida xiligaani ka jirta magaalada Muqdisho iyo hanjabaadaha kasoo baxaaya maleeshiyaadka Al-shabaab.


Dhanka kale, Qoraalkan waxaa kaloo lagu sheegay in muwaadiniinta looga digaayo inay u safraan Magaalooyinka Berbera iyo Hargeysa ee Somaliland, balse haddii ay dadku ka maarmi waayaan ay u safri


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *