Uncategorized

Xariga Assange oo go’aan laga gaarayo

iftineducation.com – Ninka aasaasay barta internetka ee Wikileaks, Julian Assange, ayaa sheegay inuu isu dhiibayo booliska UK maalinta Jimcaha ah, waa haddii guddi ka socda Qaramada Midoobay uu go’aamiyo in xarigiisu uusan aheyn mid ka baxsan sharciga.
Mr Assange ayaa sanadkii 2012 isu dhiibay safaaradda Ecuador ee magaalada London si uu uga baaqsado in loo gacan geliyo dalka Sweden oo looga haysto eedeymo xadgudub galmo ah.
Sanadkii 2014 ayuu u dacwooday Qaramada Midoobay asaga oo sheegay in aanu ka bixi karin safaaradda oo uu ka baqayo in la xiro.
Mr Assange oo beeniyay dhammaan eedeymaha loo haysto ayaa sheegay inuu aqbalayo go’aanka guddiga, balse uu filayo inuu xor ahaan doono haddii uu u dhaco sida uu doonayo.
Xafiiska arrimaha dibadda ee UK ayaa sheegay in Mr Assange uu ka baaqsaday in si sharci ah lagu xiro, iyadoo xafiisku intaa ku daray in ay weli saaran tahay waajibaad ay ku musaafurinayaan.
Kooxda Qaramada Midoobay ee ka shaqeysa xariga aan kala sooca lahayn ayaa lagu wadaa in Jimcaha ay ku dhawaaqdo natiijada baaritaano ay ku sameeyeen kiiska Mr Assange.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *