Uncategorized

Wariye Abdirizak Kampala ayaa Caro kala duldhacay Xasan Xanafi isaga oo dalbaday in la xukumo

iftineducation.com – Wariye Abdirizak Kampala ayaa Caro kala duldhacay Xasan Xanafi isaga oo dalbaday in la xukumo


Saxafiga lagu magacaabo Abdirizak Kampala oo ka mid ahaa saxafiyiintii ka soo shaqeeyay magaalada muqdisho kana cararay kooxda Alshabaab ayaa caro iyo xanaaq uu u qabay Xasan xanafi kala duldhacay isaga oo dalbaday in la xukumo.


Abdirizak Yusuf Abdalla Kampala ayaa video soo dhigay abrtiisa facebook waxa uu kaga hadlay cadeymaha xanafi haatan bixiyay oo uu isaga 4 sano ka hor ka sheegay tvga qaranka kuna sifeeyay in Xanafi iyo koox kale oo shabaab wariyayaal ka dhigteen yihiin Wariyayaasha dadka cirib jaraya.


Wariyaha ayaa soo bandhigay muuqaalo wariyayaal kale oo la tuhunsan yahay in ay ka hoos shaqaynayeen Xanafi isaga oo tilmaamay in ay masuul ka yihiin Surgoynta iyo silic dileenta saxafiyiinta.


Fariinta Wariye Abdirizak kampala ayaa waxa uu ku gabagabeeyay Fariin muhiim u ahayd wariyayaasha isaga oo tilmaamay qaabab ay uga feejignaan karaan in shabaabku qarxiyaan isaga oo talooyin siiyay wariyayaasha.



HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA:


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *