Uncategorized

Wararkii Ugu Dambeeyay Qaraxyadii xalay Ruxay Muqdisho iyo Qasaaraha Dhimasho oo sii kordhay

iftineducation.com – Waxaa sii kordhaya qasaaraha dhimasho ee ka dhashay Qaraxyadii xooganaa ee xalay lagu weeraray dhismaha Hotelka SYL ee magaalada Muqdisho, waxaana saakay agagaarka Hotelka iyo xaafado ku dhaw dhaw laga helay meydadka dad ku dhintay qaraxyadii xalay .


Qaraxii koowaad ee xalay lagu weeraray goob ku dhaw dhismaha Hotelka SYL ee magaalada Muqdisho ayaa ahaa mid aad u xooganaa si weyna looga maqlay magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda, waxa uuna qaraxa sababay bur burka dhismayaal ku dhawaa halka uu ka dhacay.

Ku dhawaad 20-qof oo u badnaa dad shacab ah ayaa ku dhintay qaraxyadii xalay ka dhacay agagaarka Hotelka SYL ee magaalada Muqdisho, waxaa sidoo kale qaraxyada ku dhaawacmay dad ka badan 30-qof oo qaarkood qabaan dhaawacyo culus.

Dadka qaarkood ayaa ku dhintay gudaha Isbitaalada kuyaala magaalada Muqdisho, waxaana Isbitaalada wali jiifa dad kale oo badan oo qaba dhaawacyo kala duwan kuwaa oo qaarkood yihiin dhaawcayo aad u culus.

Xaafado iyo goobo kale oo ku dhaw dhaw Dhismaha Hotelka SYL ayaa lagu soo waramayaa in saakay laga helay meydadka dad ku dhintay qaraxyadii xalay , dadka qaarkood ayaa waxaa kusoo dumay guriyihii ay dagnayaeen halka qaar kalana ay firirka ugu tageen guryahooda.

Dowlada Soomaaliya ayaan wali shaacin qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxyadii xalay ka dhacay agagaarka Hotelka SYL ee magaalada Muqdisho, qaraxyadan ayaana ahaa mid xalay xaalad qal qal amni ah ka abuuray qeybo kamid ah magaalada.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumada Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ka hadlay qaraxyada iyo weerarka ayaa sheeagay in ciidamada dowlada ay ka hortageen ayna fashiliyeen weerarkii Al-Shabaab kusoo qaadeen Hotelka SYL.

Qaraxyadii xalay dhacay ayaa ujeedkoodu ahaa in lagu dhufto darbiyada Hotelka SYL ayna halkaasi galaan rag hubeesan oo loogu tala galay in ay gudaha u galaan Hotelka ayna halkaasi ka geestaan toogasho, hasa ahaatee Ciidamada amaanka ayaa gaariga qarxiyay ku celiyay goob ku dhaw Dhismaha Hotelka halkaasna gaariga ku qarxay qofkii waday, waxa ay sidoo kale ciidamada dileen ragii doonayay in ay galaan Hotelka..


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *