Uncategorized

War Deg Deg ah Weerar Ismiidaamin goordhaw lagu qaaday Goob ku dhaw Madaxtooyada iyo Rasaas la maqlayo

iftineducation.com – Weerar Ismiidaamin aad u xoogan ayaa goordhaw laga maqlay agagaarka xarunta Madaxtooyada Soomaaliya,waxaana warar kala duwan uu kasoo baxaya goobta rasmiga ah ee lala eegtay qaraxaasi ismiidaaminta ah.


Warar horudhac ah aan heleyno ayaa sheegaya in weerarka ismiidaaminta ah uu ka dhacay agagaarka Hotelka SYL iyo Beerta Nabad oo ku dhaw xarunta Madaxtooyada Soomaalliya, waxaana halkaasi ka dhacay qarax gaari laga soo buuxiyay .




Qarax kadib waxaa ka dhacay rasaas xoogan oon la oeyn cida rideysa , xaalada ayaana ah mid aad u kacsan, waxaana wadooyinka xiray Ciidamada Dowlada Soomaaliya




Gaadiika ampalaasta ayaa ku qul qulaya halka la weeraray, waxaana goobtaasi laga qaadayaa dad dhintay iyo waliba kuwa ku dhaawacmay, xaalada ayaa ah mid wali kacsan, magaalada oo dhan ayaana laga dareemayay qaraxan aadka u xoogan.



Waxii Warar ahee kusoo kordha kala Soco Wararkayaga Dambe Insha Allah

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *